U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Masar?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.