Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed.
“Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”.




From the comments