U bood dhigaalka

Khudbaddii Madaxweynaha uu Maanta Ka Jeediyay Furiyaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, khudbadda madaxweynaha ayaa taabanaysay dhinacyo badan, xilli si adag uga hadlay dagaalka Al-shabaab iyo xadgudubka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa furitaankii Khudbaddiisa tacsi u diray qoyska iyo dhammaan shacabka geeridii ku timid Allah unaxariistee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho, isagoo Allah naxariistiisa u weydiiyay.

“Waxa aan sidoo kale uga tacsiyeynayaa Barlamaanka Somaaliyeed, anigoo horaanba ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, geeridii waayeelkii Soomaaliyeed, AUN Maxamaed Sh. Cismaan Jawaari, Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka BFS. Waxuu ahaa qof ummadda Soomaaliyeed ay tabi doonto aqoontiisii, kartidiisii, xikmaddiisii iyo wadaninimadiisii. Dhammaanteen Sammir Allaha naga siiyo” ayuu yiri madaxweynaha.

 Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlhii baaxadda lahaa ee Baarlamaanka 11-aad uu soo qabtay kalfadhigii 4-aad oo lagu meelmariyay sharciyo iyo cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG ah, waxaana uu tilmamay inuu rajo weyn ka qabo inuu soo dhamaado Dastuurka oo la gabagabeeyo sanadkaan.

 “Waxaan halkan ka bogaadinayaa howlaha baaxadda leh ee uu qabtay Barlamaanka afartii kalfadhi ee la soo dhaafay guuud ahaan, gaar ahaan kalfadhigii afaraad ee uu Barlamaanka 11-aad ku guulaystay ansaxinta afarta cutub ee ugu horreysa Dastuurkeenna KMG ah. Waa howl ina sugaysay in ka badan 12 sano, oo ay u suurtagali waysay Baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee aannu lahayn” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 Madaxweynaha ayaa xusay inaan wali uusan dhammaan xadgudubka dowladda Itoobiya, waxaana Baarlamaanka uu u bogaadiyay qaraarkii laga soo saaray heshiiskii is afgarad ee ka dhacay Addis Ababa sanadkaan bilowgiisii, kaas oo xumeeyay cilaaqaadka labada dowladood ee dariska ah.

 “Waxaan si gaar ah u xusayaa qaraarkii Barlaamaanka ee ilaalinta gobnimada, midnimada iyo wadajirka dalka, oo jawaab u ahaa xadgudubkii ay dowladda Itoobiya ku samaysay qarannimadaiyo midnimada dadeed iyo dhuleedba ee dalkeenna” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 “Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab “Waxaan soo booqday maalmo ka hor mid ka mid ah goobahii la xoreeyay sannad ka hor, iyadoo uu isbeddel ka muuqdo dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah” ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha oo  dagaalka ka sii hadlaya ayaa yiri” In ka badan dhowr iyo toban sano ka dib, waxaa imtixaankii dugsiyada sare laga galay degmooyin ay mid yihiin Xaradheere iyo Ceel dheer. Ilaahey mahadi ha ka gaartee, waxaan gaarnay guulo waaweyn. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo. Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray sharciyadii sanadkii tagay meelmaray, waxaana uu xusay in la gaaray riyooyin muddo qaranku kusoo taamayay waxaana uu bogaadiyay Baarlamaanka” Laga soo billaabo furitaanka kalfadhigii afraad oo ku beegnaa 24-kii Nofeember 2023; waxaa inoo rumoobay riyooyin ay muddo dheer Soomaaliya ku taamaysay. Maanta Soomaaliya waxay ku guuleysatay:

1. Iney ka mid noqoto iskaashiga dowaldaha Bariga Afrika ee (EAC).

2. Iney dhammaystirto Geeddi socodka dayn cafinta. Lagana cafiyey balaayiin doollar

3. In laga qaado cunaqabateyntii hubka, taasoo saarnayd muddo ka badan 30 sano.

4. In loo doorto xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

Guulahaas waxa ay astaan u yihiin inaan ka gudubnay marxalado adag oo ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo geeddisocodka dowladnimadeenna oo gaabis ahaa sannad badan. Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan u soo huray si ay ugu noolaadan siyaabaha bulshooyinka kale ee caalamka u nool yihiin. Guulahaas waxay ina saarayaan waajib kale oo ah inaan diiradda saarno sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ama aan u xajisan lahayn si aanan dib ugu noqon halkii aan ka soo hayaannay.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday damaca Itoobiya “Anigoo cuskanayo qaraarkii Barlamaanka ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna” ayuu yiri.

“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA. Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta manta” ayuu sii raaciyay.

“Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE” ayuu kusoo gabagabeeyay xaaladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn dul istaagay dagaallada Ahliga a ee ka dhacaya gobollada dalka waxaana u uku baaqay in laga waantoobo”Waxaan sidoo kale baaqayga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoofuran, aanna aaminsanahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna ummadnimo, iyo soocelinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo quseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya.

“DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha” ayuu yiri.

 Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashada iyo nuuca la aadayo” Waxaan wada xusuusannaa, in 2012kii barlamaankeenna ay soo xuleen odayaal dhaqameed (135) ah oo badankood degganaa hoteello ku yaal caasimadda, halka 2016 kii aan u daadejinnay in lagu soo doorto dowlad gobolledyada. Tiro ka badan 14 kun ay codeeysay. Arrinkaas wuxuu u muuqday isbeddel weyn. 2022kiina in ku dhaw 30kun ayaa codeysay. Manta waxaa nalaga sugayaa inaan dalka u horseedno doorasho toos ah oo guud ahaan shacabka qeybahiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyagoo xor ah. Waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas insha Allah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gabagabadii hadalkiisa yiri “Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadal-jeedinteydakalfadhiga 5aad ee BFS, in anagoo Alle kaashaneyno oo aan ka mshquuleyn inaan wada aragno, Soomaaliya oo ku guuleysatay xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta Khawaarijta, dejinta shuruucda aan ku horumarinayno dalka, dhameystirka hey’adaha Qaran ee muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo balaarinta adeegyada bulshada sida ballaarinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada”.