Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kal fadhiga baarlamaanka ayaa si kulul uga warceliyay hadal uu dhowaan yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa in Soomaaliya ay dalalka caalamka dacwad ayaga ka dhan ah la wareegayso.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay Itoobiya ayadu dunida wareegayso, ayadoo ku calaacalaysa Soomaaliya ha nala heshiisiiyo, balse ay ayadu gefka gaysatay ayna mid tahay hashii ayadu geela cunaysay, haddana cabaadaysay ee murti lagu xusi jiray.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkigu uu guuldarraystay, ka dibna mar kale la hadlay, asagoo xusay in Itoobiya ay weli ku taagantahay mowqifkeedii xadgudubka ahaa ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ahaa.




From the comments