Maxaa Looga Hadlay Kulan Ra,iisulwasaare Xamse La Qaatay Dhiggiisa Dalka Ciraaq?
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Labada Raโiisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.
Wafdiga Raโiisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed AlMakhzoumi, iyo Taliyaha Heyโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).