Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalda Baydhabo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen).
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ay kaga wada hadleen Arimo dhor ah oo ku jiraan Siyaasada, Amniga, Mashaariicda, bini’aadanimada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada, xilligaan maamulku qorsheynayo gaaritaanka deegaannada gacantiisa ka maqan.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka iyo Shacabka Deegaannada Koonfur Galbeed.




From the comments