Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyo in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza.
Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas.
Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.




From the comments