U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Xaaladda Dhulka Dabdamiska

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in Booliisku ay si toos ah hawlgal burbur ah uga billaabeen dhulka dabdamiska maadaama ay dhammaatay mudadii dadka halkaa deggan horay loogu qabtay kaga guuraan, taas oo maanta ku ekeyd.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobtaas laga dhisi doono dab damis casri ah oo lagula tacaalo shilalka dabka la xariira ee magaalada ka dhaca, islamarkaana ay noqan doonto xarun dadweynaha Soomaaliyeed loogu adeego oo dan guud ah.

Gaashasnle Cabdifataax ayaa tibaaxay in odayaal dhaqan iyo waxgarad qoysaskii halkaa ku noolaa matalayaahi ay booliiska kala shaqeeyeen in dadka meeshaas laga raro, islamarkaana ay bulshada inteedii badnayd iskood u guureen, qeybtii hartayna ciidanku ay gaadiidka daabula u diyaariyeen, balse ma caddayn goobta rasmiga ah ee qoysaskaas loogu talo-gay oo la gaynayo.

Si kastaba ha ahaatee booliiska Soomaaliya oo cagaf cagafyo iyo gaadiid dagaal wata ayaa saaka ku hiiraystay dhulkaas, ayadoo ay hadda ka wadaan hawlgal burburin ah oo dhismeyaasha ku yaalla dhulka lagula simayo.