U bood dhigaalka

Muxuu Ku Saabsan Yahay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Eritrea?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa yeela doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Dalka Eritrea ayaa ku dhawaad 10 kun oo Askari u tababaray Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu kala hadli doono dowladda sidii ay qeyb uga noqon laheyd howlgallada dalka ka socda.