U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Ka Wadahadlay Hormarinta Dekadaha

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaardda Dekadaha Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle ayaa kulan la qaatay Mr. Stefano TOMAT oo ah Maareeyaha Guud ahna Taliyaha Hawlaha Rayidka Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub iyo Mr. Kęstutis LANČINSKAS, Madaxa EUCAP Soomaaliya.

Kulan kan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee labada Dhinac, sare u qaadista tayada aqooneed shaqaalaha ee Wasaaradda iyo Hormarinta xirfadlayaasha haweenka ka shaqeeya Arrimaha Badda (Women in Maritime).