Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay dugsiga ay ku tababaranayaan cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa ku sugan dugsiga ciidanka Cirka dowladda Ereteriya, halkaas oo ay muddo ku qaadanayeen tabarro la xiriira ciidanka cirka, madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay ku jiraan ciidankaan oo qeyb ka ah kuwa dhowaan dalkaas tababar loogu qaaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.




From the comments