U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wadahadlay Horumarinta Caddaaladda

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan, Xoghayaha Joogtada Mudane Feysal Xasan Adan iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muhuidin Hashi Dalmar ayaa kala hadlay Mudane James Swan hawlaha hortabinta u leh bahda Cadaaladda ee dalka iyo geeddi-socodka dhamaystka dastuurka.

Dhankiisa Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee bahda Caddaaladda oo wasaaraddu hogaaminayso ku tallaabsatay labada sanno ee la soo dhaafay iyo heerka uu soo gaaray geeddi-socodka dhamaystirka dastuurka.