U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Howlgallada Gaarka ee Bariga Afrika oo Kismaayo Gaaray

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaanada joore gaar ahaan deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.