U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Wasaaradda Gaashaandhigga Kula Qaatay Saraakiisha Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab.

Madaxweynaha oo dhowaan booqday gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in la dardargelin doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab dalkana laga saarayo sida uu sheegay, waxaana kulanka uu kusoo aadayaa xilli dhaqdhaqaaq uu socdo.