Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caruur walaalo ah ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qarax ka dhashay walxaha qarxa oo caruurtaan ay ku ciyaareen duleedka magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud.
Qaraxa caruurtaan ay wax ku noqdeen ayaa la sheegay in ay aheyd Miino waxaana kadib ay bilaabeen in ay ku ciyaaraan taas oo keentay in qarax uu ka dhasho ay ku nafwaateen laba gabdhood, halka uu wiil uu dhaawac kasoo garay.
Shilkaan oo dhacay shalay galenkii dambe weliba waqtigii lagu jiray xilliga salaadda maqrib ayaa sabab u noqday sedexda caruurta ah, waxaana lagu kala sheegay in da’doodu ay ka yartay tahay 10 sano sida wararku ay sheegayaan.




From the comments