U bood dhigaalka

Ruto oo Shaqada Waxqabad La’aan Uga Eryayay Dhammaan Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kala diray golahiisa wasiirada, marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Musalia Mudavadi oo ahaa madaxii wasiirada.

Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024-ka.

Waxaa uu ku eedeyay howlqabad la’aan, kaddib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya.

Waxaa kalo uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyaha Guud.

“Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.”
ayuu yiri Ruto.

khasaare xooggan ayaa ka dhashay banaanbaxyo maalmo ka socday dalka Kenya kuwaasoo looga horjeeday sharciga Maaliyadda.