Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliya ee dhanka Ammaanka Caasimadda, degmooyinka laga xoreeyay Shabaab iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in dhammaan degmooyinka laga qabsaday shabaab wali ay ku jiraan gacanta dowladda oo laga ilaaliyay in dib looga soo baxo si ururka Shabaab ay si dib ugu qabsadaan.




From the comments