U bood dhigaalka

22 Qof in Ka Badan oo Ku Geeriyootay Dhisme Ku Dumay Naigeria

22 qof ayaa ku dhintay, kadib markii uu dumay dhismo laba dabaq ah oo ku yaalla gobolka Plateau ee bartamaha dalka Nigeria, waxaana dhismaha ku sugnaa ilaa 154 qof kolkii uu burburay sida ay sheegtay shabakadda Sky news.

Dhanka kale tiro dhaawacyo ah oo goobta laga soo qof badbaadiyay ayaa lagu daweynayaa isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay booliiska, ayadoo ay Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Nigeria (NEMA) ay ayana ku sheegtay in dadaallada samata-bixinta la soo afjaray, lana nadiifiyay goobta.

Dhismahan oo ka kooban laba dabaq, oo ay lahayd Saint Academy oo ah iskuul ku yaalla xaafadda Busa Buji ee degmada Jos woqooyi ee gobolka, ayaa soo dumay intii lagu jiray saacadihii waxbarashada oo ay ardaydu fasallada ku jireen.

Dhismayaasha dumay ayaa ku soo noqnoqda dalka ugu dadka badan Afrika ,taas oo ay ugu wacan tahay xeerarka badbaadada habacsanaanta iyo agabka dhismaha oo inta badan aan tayadoodu wanaagsanayn.