U bood dhigaalka

Khatar Amni Intee la eg ayaa heysata Maraakiibta Isticmaasha Badda Cas?

Ammanka shaqaalaha maraakiibta ganacsiga ayaa noqday walaac weyn iyada oo ay kordheen weerarrada rabshadaha ah ee ay geysanayaan kooxaha burcad-badeedda sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha.

Inta badan kororka waxaa uu ka yimid Soomaaliya halka meelaha kale ee adduunka hoos u dhac guud uu sii socdo, waxaana bilihii ugu dambeeyay soconayay afdubyada ay geysanayaan kooxda burcadda ah, taas oo keentay xasarad amni darro oo ka dhacda badda.

Warbixinnada ayaa muujinaya in rubuci hore ee sannadkan, la diiwaangeliyey 60 dhacdo oo ah burcad-badeed iyo dhacdooyin hubaysan oo ka dhan ah maraakiibta, walaaca weyn ayaa ah in rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha ay si aad ah u kordheen.

“Kororka walaaca leh ee dhacdooyinka rabshadaha wata wuxuu muujinayaa baahida loo qabo feejignaan joogto ah oo ka timaadda bulshada caalamiga ah si loo hubiyo badbaadada dhammaan badmaaxiinta, gaar ahaan xilligan ay jirto hubanti la’aanta sare ee gaadiidka badda,” ayuu yiri John W.H. Denton AO, Xoghayaha Guud ee ICC.

IMB waxay tilmaamaysaa in kadib ku dhawaad 10 sano oo xasillooni ah biyaha Soomaaliya, dhacdooyinka burcad-badeednimada ay dib ugu soo laabteen si buuxda iyadoo 8 dhacdo laga soo sheegay rubuci hore ee 2024, oo ay ku jiraan 3 afduub.

Dhacdooyinka ugu dambeeyay  waxa ay  muujiyeen awoodda burcad-badeedda Soomaaliyeed inay beegsadaan maraakiib illaa 1,000 mayl badeed meelo ka baxsan xeebta Soomaaliya, taas oo kor u qaaday walaaca maraakiibta muujinayaan oo amniga ah.

Waxaa ka mid ah kiisaska sanadkan laga soo sheegay biyaha Soomaaliya afduubka Markabka Abdullah, markab xamuul ah oo calanka Bangladesh wato, bishii Maarso isagoo ka soo ambabaxay Mozambique kuna sii jeeday Isutagga Imaaraadka Carabta. Burcad-badeedda Soomaaliyeed waxay sii daayeen markabka iyo shaqaalaheeda oo gaaraya 23 kaddib markii la bixiyay $5 milyan oo madax-furasho ah.

“Waxaan sii wadeynaa inaan ku boorinno taxaddar ku saabsan dhacdooyinka burcad-badeedda Soomaalida oo aan ugu baaqeyno dhammaan milkiilayaasha maraakiibta iyo badmaaxiinta inay adkeeyaan maraakiibtooda oo ay raacaan dhammaan tilmaamaha ku habboon ee ku jira warbixinnada hababka ugu wanaagsan ee maaraynta marka ay dhexmarayaan biyaha Soomaaliya,” ayuu yiri Michael Howlett, Agaasimaha IMB.

Biyaha Soomaaliya iyo aagga Badda Cas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay weerarro ay geysanayaan kooxaha burcadda Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta, waxaana xusid mudan in dhowr weerar oo dhacay lagu afduubtay Maraakiib ganacsi.