Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee xamar, ayagoo toogtay dhammaan dablaydii gudaha ka dagaalamaysay oo ka tirsanaa Maxaabiista, waxaa iyana howlgalka intii uu socday ku geeriyooday 2 askari.
Askarta ku geeriyootay ayaa ka tirsanaa ilaalada xabsiga, halka dhowr askari oo uu ku jiro taliyaha kooxda Baanda Music ee Asluubta ay ku dhaawacmay sida ay xaqiiiyeen saraakiisha xabsiga oo ka hadlay weerarka subaxaan lagu qaaday gudaha Xabsiga Dhexe.
Ciidanka Miino baarista ayaa baaris ka wada gudaha xabsiga, waxaana goordhow Warbaahinta la hadlaya Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Aadan oo faah faahin doona waxa dhacay iyo sababta falkaan uu ku yimid.




From the comments