U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo sanduuqa taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada shisheeye ee dalka jooga.