U bood dhigaalka

Israel oo Kordhisay Beegsiga Goobaha Barakacayàasha ee Marinka Gaza.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya marinka Qasa 17 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah iyo gantaallo ay ciidanka Israa’iil ku weerareen goob iskuul ah oo Das barakacayaal ihi ku noolaayeen.

Iskuulka dadkan lagu laayay ayaa ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, waxaana laga yaabaa in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama ay dhaawacyo halis ihi jiraan, gurmadka caafimaadka iyo daawooyinkuna ay aad u yaryihiin.

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa dhaleeceeyay xasuuqa aan dhamaadka lahayn ee Qasa iyo weerarada isdaba jooga ah ee miliriga Israa’iil uu bishii 10 aad ka wado marinka Qasa, islamarkaana tirada dhimashadu ay 40 kun oo qof ku dhowdahay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay ciidamada Israa’iil ku dhowaad 30 qof ay ku dileen iskuul ay dad barakacayaal ihi ku noolyihiin oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis.