U bood dhigaalka

Sedex Ruux oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Yucub ee Gobolka Doollo dowlad deegaanka Soomaalida, gaari ayaa kusii jeeday deegaannada maamulkaas xilli uu kasoo kicitimay magaalda Garowe.

Gaariga oo ahaa Leylo Calaawi ayna leedahay Shirkada Safarada ee Al-Ixsaan ayaa ka soo baxay Garoowe ee caasimadda ayaa kusii jeeday magaalada Qabridahar.

Sida uu xaqiijiyay maamulka Isbitaalka Doollo Tirada dadka ku dhintay shilka gaariga ayaa gaaraya Saddex Ruux halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux.

Dadkaas ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee Gobolka Doollo, Degmadiisa Wardheer.

Dadka dhintey ayaa kala ah:

  1. Maxamed Shire Cismaan, 40 jir
  2. Faadumo Jaamac, 17 jir
  3. Caasha Cabdinuur Aadan, 40 jir

Dhaawaca oo 5 ruux ah ayaa kala ah:

  1. Faadumo Siciid Maxamed,
  2. Abshiro Cabdinuur
  3. Fardawsa Xaashi Soofe
  4. Cabdinuur Cali Cabdullaahi5. Iyo darawalka oo ka soojeeda Itoobiya laguna maagacaabo Henok Debebe.

Shilalka gawaarida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida iyo Somaliland iyadoo ay ku dhinteen dad badan.