U bood dhigaalka

Xiisad Kasoo Cusbaanaatay Kashmiir iyo Askar Hindiya oo Lagu Dilay Gobolka

Ugu yaraan afar askari oo Hindi ah ayaa lagu dilay iska hor-imaad ciidanku ay la galeen fallaagada dagaalka kula jira ee ku sugan kashmir dhieceeda ay Hindiya maamusho, waxaana dhacdadan lagu tilmaamay mid kamida shaqooyinkii ugu darnaa ee waayadan ka dhacay dhulkan lagu muransanyahay.

Ciidamada Hindiya ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kaymaha degmada Dooda ee koonfurta gobolka Jammu, balse waxay kala kulmeen iska caabin xoog leh oo sababtay dhimashada tiro askar iyo saraakiil ah sida lagu xusay war ka soo baxay militariga

Kashmiir oo ay inteeda badan maamusho Hindiya, qeybaha kale ay bakistaan iyo Shiinuhu gacanta ku hayaan ayaa xiisado iyo qalalaase ku jirtay taniyo sanadkii 1947-dii, waxaana ka dhacay dagaallo waaweyn oo lagu hoobtay, ayadoo dhowr mar la isku dayay in hannaan caalami ah lagu xalliyo, balse lagu guul-darraystay.