U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir oo Xabsiga Dhigay Laba Ruux Ku Eedeysan Anshax Xumo

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Maxamuud Siid Axmed oo 42 jir ah iyo Qadiijo Maxamed Cabdulqaadir oo 23 jir ah, kuwaas oo loo haysto in ay ku kaceen falal anshax xumo ah oo liddi ku ah diiinta suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sheegay in eedeysanayashaan la horgeyn doono cadaaladda, balse wax faahfaahin intaas dhaafsiisan oo la xariirta nooca falka anshax xumada ah ee loo haysto Booliisku ma bixin, waxaa’se bilihii la soo dhaafay ay laamaha amaanku xir xireen dhallinyaro badan oo baraha bulshada muuqaallo aan wanaagsanayn ku baahin jiray.