U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Puntland oo Ansixiyay Mashaariic Waddooyin Looga Hirgelinayo Maamulkaas

Golaha wasiirrada dowlad goboleedka Puntland ayaa ansixiyey 8 Mashruuc oo lagu dhisaasyo Wadooyinka deegaanada Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha hormarinta deegaannada oo dhowaan dowladda dhexe ay shaacisay fulintooda.

Shirka oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo uu weheliyo Mudane Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa lagu meelmariyay mashaariicdan cusub.

Waddooyinka dayactirka iyo dib u dhiska lagu sameynayo ayaa waxaa kamid ah jidka Boosaaso illaa Gaalkacyo isku xira, midka Garoowe iyo Laascaanood, cawsane iyo Hadaaftimo, lafa gorayo, Buundada carmo iyo Boosaaso, iyo jidad kale oo badan.

Qorshaha hirgelinta mashaariicda horumarinta Waddooyinkan ayaa lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnada Dowlad goboleedka Puntland, waana Cashuurta dadweynaha oo dalka dib-loogu-celinayo.