U bood dhigaalka

Madaxweyne Biden oo Laga Helay COVID19 Xilli uu Ku Jiray Ololaha Doorashada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay COVID-19 mar uu Arbacadii u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalkan Maraykanka, Joe Biden waxaa si cad uga soo muuqday astaamaha cudurka Covid 19.

Jean-Pierre Xoghayaha warfaafinta ayaa sheegtay in Biden uu u duuli doono gurigiisa oo ku yaala gobolka Delaware, halkaas oo uu ku geli doono “go’doomin doono” illaa uu xanuunka ka bogsanayo.

Dr. Kevin O’Connor, dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in madaxweyne Biden lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah, iyo qufac qalalan.

Waxaa uu sheegay in isla markiiba madaxweynaha loo qoray daawooyin kala duwan, sida uu sheegay dhakhtarkiisu.

Madaxweyne Biden ayaa la filayey inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas, taasoo qayb ka ah ololihiisa doorashada, balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas, isaga oo u duulay gurigiisa.