U bood dhigaalka

Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diraya Markab Shidaal iyo Gaas Ka Baara Xeebaha Soomaaliya

Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahamin doona shidaal iyo gaas, Qorshahaan ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta ee Turkiga Khamiistii.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Markabkaan ayaa baari doonnaa Saddex Baloog.

Labo ka mid ah saddexdaas baloog, ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaas ku daray in midka saddexaad uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore.