U bood dhigaalka

Ciidanka Isra’il oo Beegsaday Xerooyin Barakac

Ciidanka Isra’il oo beegsaday xerooyin Maamulka Isra’il ayaa wali sii wadda duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka wadaan Gaza, dagaalka ayaa noqday mid dabadheeraaday,tan iyo 7 October sanadkii 2023.

Waxa ay xalay duqeymo garaacday xerooyinka taariikhiga ah ee bartamaha Marinka Gaza, iyo xaafado ka tirsan dhinaca waqooyi, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha xooggooda ayaa lagu soo warramay in lagu bartilmaameedsaday xeryaha Zawayda, Bureij iyo Nuseirat iyo magaalada aadka u zaxmada badan ee Deyral-balax. Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay halkaasi.

Deyral Balax ayaa ah degmada kaliyah ee Gaza ee aysan wali si toos ah uga dhex dagaallamin ciidamada Isra’il, tan iyo marki uu billowday duullaankeeda Gaza horraanti bishii October.

War kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in madaafiicdi ay ku garaaceen magaalada Gaza shalay ay ku dileen laba abaanduule oo ka tirsan Islamic Jihad.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sheegaym, in 5 qof lagu dilay laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen halkaasi.

Dhanka kale, ra’isluwasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu, ayaa si kedis ah Khamisti shalay ku tagay Gaza halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada Isra’il. Wuxuu u sheegay askarta, in cadaadiska millatari uu soo dedejinayo soo guryo-celinta laheystayaasha Isra’il ee Gaza.