U bood dhigaalka

Cilad Soo Wajahday Adeegga Windows-ka Computerada oo Hakiyay Shaqadii Diyaaradaha Qaar Kamid ah Dunida

Cilad ayaa soo wajahday Barnaamijka Windows-ka Computer-rada ee shirkadda Microsoft taasoo sababtay in ay hawada ka baxaan si lama filaan ah.

Ciladaan ayaa ka dhacday meelo badan oo dunida ka mid ah. Waxaa lagu tilmaamay in ay tahay ciladii ugu xumeyd taariikhda intii ay jirtay Microsoft.

Dhibaatadaan dhacday ayaa keentay in ay shaqada joojiyaan Inta badan computer-rada ay ku shaqeynayeen Xafiisyada Warbaahinta, dawladdaha qaarkood ,Garoommada diyaaradaha , Bankiyada iyo xafiiska dhammaan adeegyada lagu bixiyo computer-rada ku shaqeeya Microsoft.

Ilaa hadda qaaradaha uu sida ba’an u saameysay ciladaan waxaa ka mid ah Ameerika, Yurub iyo Aasiya.

Shirkadda Microsoft ayaa loo badinaya in ay la kulantay weerar dhanka Internet-ka.

Qoraal kooban oo Shirkadda ay soo dhigtay barta X ee Microsoft 365 ayaa lagu yiri
” Waxaan baareyso arrin saameyneysay awoodda isticmaaleyaasha si ay u galaan barnaamijyada iyo adeegyada kala duwan ee Microsoft 365″.

Shirkadda ayaa intaasi kusii dartay “Waxaan ka shaqaynaynaa dib u habeynta cilada na saameysay si loo beddelo habab kale si loo yareeyo saameynta ka dhalatay, Waxaan diiradda saareynaa in aan xaaladda kusoo celino xaalad caafimaad qab ah” ayaa lagu yiri Warka kooban ee Shirkadda.

Dadka ay ciladaan saameysay ku wadaagay baraha bulshada Muuqaallo iyo sawiro ay kasoo qaadeen Shaashada Computer-rada si ay muujiyaan cilada heysta.