U bood dhigaalka

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo Israel Ku Amartay Soo Afjaridda Dagaalka Gaza

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa xukuntay in sii joogitaanka Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin uu yahay sharci darro, islamarkaana loo baahanyahay in ay ku soo afjarto oo uga baxdo sida ugu dhakhsaha badan

Nawaf Salam oo ah madaxa ICJ ee magaalada The Hague ayaa soo bandhigay go’aanka talobixinta ah ee ku saabsan haysashada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta, halkaas oo ay maamulka yuhuuddu ka wadaan xadgudubyadii ugu darnaa.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay jebisay farqadiisa lixaad ee qodobka 49-aad ee Axdiga Afaraad ee Geneva, kaas oo dhigaya in aysan musaafurin karin dadka reer Falastiin ama aysan qayb ka mid ah shacabkeeda ku wareejin dhulka ay haysato.

Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda iyo hab-dhaqanka Israa’iil ee dhulka falastiiniyiinta ay ka dhigan tahay qabsashada qaybo badan oo ka mid ah dhulkaas iyo in maxkamaddu ay u aragto in Israa’iil ay si nidaamsan u takoorto falastiiniyiinta dhulkooda la haysto.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay bishii 10-aad gumaad aan loo meel dayin ka waddo marinka Qasa, islamarkaana tirada dadka halkaa ku dhintay ay 40 kun oo qof qarka u saarantahay, halka kumanaan kalena ay dhaawacyo daran iyo barakacayaal duruufihii ugu adkaa wajahaya isugu jiraan.