Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Sheekh Cismaan Xiddig oo kamid ahaa Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn, uguna magaca dheer, kaas oo soo saaray culimo badan oo diinka uu baray.
Shiikha oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey, dardaarankiisiina bulshada la wadaagay Sheekh Maxamed Daa’uud oo xertiisa ka mid ah.
Sgiikh Cismaan oo ka soo jeeday qoys diimeed Soomaaliya caan ka ah ayaa in ka badan 60 sano ku howlanaa fidinta diinta islaamka, ayagoo qoray kutub badan oo ku saabsan faniya kala duwan ee cilmiga shareecada iyo afka carabiga.




From the comments