U bood dhigaalka

Madaxda Ugu Sareysa Dalka oo Siweyn Uga Tacsiyeeysay Geerida Ku Timid Sheekh Cismaan Xidig

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa siyaabo kale duwan uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allah unaxariistee Caalimkii weynaa Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxda ayaa muujiyay sida ay uga tiiraanyeysan yihiin geerida caalimka, waxaana ay Allah uga baryeen inuu Jannadiisa ka waraabiyo, Caalimka ayaa in ku dhow qarni ku jiray fidinta diinta Islaamka, isagoo manta lagu aasayo magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.  Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ardeydii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, Caalimkii weynaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Shiikh Cismaan Xiddig inuu ahaa caalim wayn oo soo saaray mashaa’iikh badan oo dadka Soomaaliyeed wax taray, wakhtigiisana u huray sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Diinteenna Suubban.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa,qaraabadiisa,eheladiisa xertiisa iyo culimada Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridda ku timid illaahey ha u naxriistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Allah unaxariistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) ayaa maalmihii dambe lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, waxaana sheikh hayay gaboow iyo xanuuno kale, waxaana uu ahaa Culimada Dariiqada Suufiyada gaar ahaan Axmaida.