U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Lagu Dilay Xubno Al-shabaab ah Ka Fuliyay Koonfur Galbeed

Ciidanka xoogga dalka iyo Darwiishta Koonfur-Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo hoostaga degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaas, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Saraakiil ka tirsan qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jiraahi uu ka soo gaaray xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo deegaankaas ku sugnaa.

Deegaanka Jameeco wuxuu qayaas ahaan degmada Buur-hakaba dhanka bari kaga beegan yahay 25 km, wuxuuna fariisin u ahaa xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo halkaa ku sugnaa.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada koofurta iyo bartamaha dalka ayaa xoogaystay bilihii la soo dhaafay, waxayna ka socdaan dowl goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur-Galbeed, iyo Hirshabelle.