U bood dhigaalka

Howlgalka ATMIS oo War Kasoo Saaray Dhacdadii Ka Dhacday Buulo Mareer

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si qoto dheer uga walaacsan dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer Shabeellaha Hoose 17-kii Luulyo 2024 sanadkaan taasoo lagu dilay dad shacab ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ATMIS in ay dileen laba qof oo shacab ah sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale.

ATMIS ayaa sheegtay in ay la socota dhacdadaan , islamarkaana ay bilowday baaritaano ku saabsan dadkaasi.

“Waxaan bilownay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedaymahan waxayna halkan u xaqiijinaysaa dhammaan daneeyayaasha in natiijada la soo bandhigi doono dadweynaha marka la soo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS.

Waxa ay intaasi kusii dartay “ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxayna u rajaynaysaa in ay u hiiliyaan xilligan adag.”

ATMIS ayaa sheegtay in Hawlgalladeeda Taageerada Nabadda ee Soomaaliya ay hagto ATMIS-ta udub-dhexaadka u tahay ilaalinta nolosha rayidka.

“Ciidamada ATMIS waa in ay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Xeerarka Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada milatari, iyada oo si gaar ah xoogga loo saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS.

ATMIS waxa ay sheegtay weli ka go’an tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka dhammaan hawlaheeda, islamarkaana markii howlgalka dhamaado ay soo bandhigi donaan sida falka u dhacay.