Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ku xariirta aad u qabsaday hadal qoraal ah oo ku saabsan geerida caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig, oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow oo ku nool magaalada Muqdisho.
Wadaadkan ayaa sheegay in shiikh Cismaan Xiddig Allaha u naxariistee uu qoray kitaabo uu ku saabsan waxyaabo gaalnimo ah, islamarkaana uu ahaa nin khuraafaadka iyo qabuuraha in la baryo oo kaalmo la weydiisto ka shaqeyn jirey oo aan wax faa’iido leh bulshada uga tagin.
Hadalkan ayaa sababay falcelin badan oo bulshada ka timid, waxaana durbadiiba ka jawaabay maamulka masaajidka shiikh Cali Jimcaale oo sheegay inaanu wadaadkaasi kamid ahayn maamulka Masjidkooda, islamarkaana aragtiisu ay asaga u gaar tahay.




From the comments