In ka badan 80 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu diley howgallo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada dowlad goboleedkaaas, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada oo ka dhacay deegaanada kala ah Buulo xaaji, Baarsan guuni, iyo Harboole lagu diley xubnahan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare.
Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay inay ciidamadu howgalladaas ku soo furteen saanad ciidan oo isugu jirta qoryaha RPG, BKM, iyo boobeyaasha AK47, iyo qalab kale.




From the comments