Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-shabaab
“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan”.




From the comments