U bood dhigaalka

Sidee Madaxda Dunida Uga Falcelisay Go’aankii Joe Biden Uga Haray Tartanka Madaxweynanimada

Madaxda caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay go’aankii uu madaxweynaha hadda talada haya ee Mareykanka Joe Biden uga haray tartanka doorashada soo socata ee dalkaas, waxayna ku bogaadiyeen tilmaada uu qaaday oo ay ku tilmaameen mid xilkasnimo ka muuqato.

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa soo dhoweeyay go’aanka Madaxweyne Biden, asagoo ku amaanay sida uu uga tanaasulay tartanka madaxtinimo ee dalkaas, wuxuuna sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay wax uu rumaysanyahay iyo danta dadweynaha Mareykanka.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa dhankiisa sheegay in ay isha ku hayaan horumarka soo kordhi doona ka dib markii Biden uu ka tanaasulay tartanka doorashada 2024, waxayna xukuumadda Moscow xustay inay wax badani is badeli karaan haddii biden uu meesha ka baxo.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jirey Twitter waxa uu ku tilmaamay go’aanka Biden mid mudan in la mahadiyo, islamarkaana uu muhiim u yahay danta dadweynaha Mareykanka, isagoo sheegay in Yurub iyo caalamkuba ay tillaabadaas uga mahadcelinayaan.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Israa’iil ayaa madaxweyne Biden uga mahadceliyay go’aanka uu qaatay, isagoo ku bogaadiyey tillaabadan wax ku oolka ah.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay u tartamidda muddo xileedka labaad ee hoggaaminta Mareykanka, isagoo cadeeyay inuusan u tartami doonin doorashada madaxtinimo ee soo socata.