U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Bulshada Al-kowsar oo Ka Wadahadlay Helidda Adeegyada Dowladnimo iyo Dhismaha Golaha Deegaanka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa kulan ballaaran oo si heer sare ah loo agaasimay la qaatay dadweynaha degmada Al-Koowsar, agoo weydiiyay su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Madaxweyne Guudlaawe iyo dadweynaha ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada ee laga dhaqan-geliyay iyo baahiyaha weli ka jira deegaanka Al-Koowsar, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada.

Waxaa kale oo laysla soo qaadey dhisidda golaha deegaanka magaalada iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada, ayadoo ka soo qeyb-galayaasha kulanka ay maamulka talooyin wax ku ool ah la wadaageen.

Al-Koowsar ayaa kamid ah deegaanada laga saaray kooxda Alshabaab, waxaana hadda ka socda hormar iyo hanaqaad dhinaca kaabeyaasha iyo adeegyada bulshada ah.