U bood dhigaalka

Saacadihii Ugu Dambeeyay oo Gaza Lagu Dilay 70 Falastiiniyiin ah iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in 70 ugu yaraan qof ay ku dhinteen, 200 oo kale ay ku dhaawacmeen duqeymo ay ciidamka Israa’iil ka fuliyeen xero qaxootiga oo ku taalla magaalada Khan Yuunis sida ay xaqiijisay Wasaaradda caafimaadka ee Qasa.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay weli sii socoto gumaadka aan loo meel dayin iyo barakicinta baahsan oo ay militariga Israa’iil bishii 10-aad oo xariir ah ka wadaan marinka go’doonsan ee Qasa.

Subaxnimadii isniinta, ciidamada Israa’iil ayaa si lama filaan ah weerar cirka ah iyo duqeymo madaafiic ah ugu qaaday aagga bari ee magaalada Khan Yuunis, taasoo keentay dhimashada dad carruur iyo haweeh u badnaa.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa mar sii horreysay ayaguna sheegay in adeegyadii ay aaggaas ka qaban jireeni ay hakad galeen, sababa la xariira duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ciidanka Israa’iil, taasoo muujinaysa in xaalad bini’aadantinimo oo cakirani ay ka jirto Khan Yuunis iyo guud ahaan Qasa.