U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Ciidamada oo Isbitaalka Ku Booqday Dhaawacyada Askar Laga Keenay Jubbaland

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa isbitaalka ku booqday qaar kamida askartii ku soo dhaawacmay dagaalladii deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole.

Labada Taliye ayaa mid mid u booqday askarta iyagoo Bogaadiyay guushii ay ayaga iyo Daraawiishta Jubbaland ka soo hooyeen howgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, waxayna u balan-qaadeen in lagu dadaali doono Daryeelkood iyo caafimaad qabkooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa sheegay in ciidanku ay dagaalkii deegaanka Harboole guul weyn ka soo hooyeen, Waxuuna alle uga baryay askartii ku dhimatay dagaalka inuu Jannada fardowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawac ahna ay si degdeg ah ku bogsoodaan.

Dagaalkii subaxnimadii Isniinta ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya iyo xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ku dhex maray deegaanka Harboole oo hoostaga degmada Afmadow ayaa lagu dilay dagaalamayaal badan oo kooxda ka tirsan, halka qaar nool iyo hubna ay ciidanku gacanta ku dhigeen.