U bood dhigaalka

18 Qof oo Ku Geeriyootay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Garoonka Ku Yaalla Nepal

Inta la xaqiijiyay Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka magaalo madaxda dalka Nepal ee Kathmandu, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee gobolku.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii diyaarad yar oo waday koox shaqaale ahi ay ku dhacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka ku yaalla caasimadda Nepal , taas oo keentay burburka diyaaradda iyo dhimashada dadkan badan.

Hal qof ayaa ka badbaaday shilka ay gashay diyaaradda lagu magacaabo Saurya Airlines, hay’adda duulista rayidka ayaana bayaan ay soo saartay ku sheegtay sidaas, dhammaan 19-kii qof ee la socday ayaana ahaa howl-wadeenno u shaqeynayay markabka, sida uu xaqiijiyay booliisku.

Sawirro laga soo qaaday goobta oo warbaahinta ay heshay ayaa muujinaya qiiq aad u xooggan oo ka kacayay diyaaradda gubatay oo maraysay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka ee Kathmandu.