Agaasimihii Adeegga sirta ee Maraykanka Kimberly Cheatle ayaa is casishay maalin uun ka dib markii ay qiratay in hay’addu ay ku fashilantay hawshii loo igmaday ee ahayd in ay ka hortagto isku day dil oo ka dhan ah Donald Trump.
Cheatle ayaa wajaheysay baaqyo is daba joog ah oo lagu doonayay in ay xilka bannayso ka dib markii nin hubeysan oo 20 jir ah uu 13-kii bishan July dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo haatana ah musharaxa.
“Waa ay daahday, waxay ahayd inay tan sameyso ugu yaraan toddobaad ka hor,” ayuu yiri Afhayeenka aqalka wakiillada ee Jamhuuriga Mike Johnson oo la hadlay saxifiinta.




From the comments