U bood dhigaalka

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanno Ka Tirsan Jubbada Hoose

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyey goobo ay xarumo ku lahaayeen kooxda Alshabaab oo ku yaalay tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa intii hawlgalku socday waxay Khawaarijta ka dileen maleeshiyad badan, iyagoo soo bandhigay hubkii ay ka furteen Kooxda Al-Shabaab

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxayna ka socdaan deegaannada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug.