U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlyay Barnaamijka Xasilinta

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa guddoomiyay shirka heer wasiiro oo ku saabsan Barnaamijka Xasilinta.

Ra’iisul Wasaare ku xegeenka ayaa ugu horrayn bogaadiyay Ciidamada Qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furimaha dagaalka oo ay ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay la galeen Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan dagaal xooggan oo xubno badan oo Alshabaab lagu diley kooxda kula galay deegaanka harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.