U bood dhigaalka

In Ka Badan 41 Ruux oo Ku Geeriyootay Doon Ku Degtay Xeebaha Dalka Yemen

Iinta la xaqiijiyay 41 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku geeriyooday doon ay saarnaayeen 45 ruux oo ku degtay xeebaha dalka Yemen, waxaana ka badbaaday 4 qof oo kaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

Hay’adda ayaa dhacdadan ku dhawaaqday Khamiistii, iyadoo sheegtay in doonidu ay habeen hore ku rogmatay meel ka baxsan xeebta gobolka Taiz ee Yemen, taasoo ay sabab u noqdeen dabaylo xooggan iyo culeys xad dhaaf ah oo saarnaa dusheeda.

Tani waxay muujinaysaa safarrada halista ah ee u dhexeeya Yemen iyo Afrika,” ayay hay’addu ku sheegtay hadal ay soo saartay oo lagu baahiyay barta X ee horay loo oran jiray twitter, waxayna intaa ku dartay inay la shaqaynayso Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo la-hawlgalayaasheeda si ay u caawiyaan dadka ka badbaaday dhacdadan xanuunka badan.

Marin-biyoodyada u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika ayaa noqday waddo ay ka wada siman yihiin qaxoontiga iyo tahriibayaasha u kala safra labada dhinac, waxayna dadka jidkaas ku socdaalaahi u badanyihiin kuwo geeska Afrika ka tagaya gaar ahaan Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya.