U bood dhigaalka

Maqaal: Barbaarinta Wanaagsan Waa Badqabka Bulshada

Kolkaad maqasho barbaarin waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya in loola jeedo kaalin waalidka oo keliyihi u igmanyihiin oo aan cid kale la wadaagin, balse sidaa way ka duwantahay oo waa masuuliyad wadareed dadweynaha oo dhan saaran, maxaa yeelay dadweynaha iyo deegaankuba saameyn lixaad leh ayay ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo koridda maskaxeed ee carruurta. 

Barbaarintu waa dhisidda iyo kobcinta anshaxa, wax-baridda, iyo toosinta hab-fakarka ubadka, waana howl ay bilowgeeda iyo bud-dhiggeeda hooyadu  leedahay, balse ayada oo qura kuma koobnee waa xil gudashadiisa bulshadoo idil laga doonayo.

Waa howl aad u culus oo haddii la fududaysto aayo-xumo, hagaas, saaqidnimo , iyo dhibaatooyin kaloo faraha badan laga dhexlo, waalidka laftooduna ay jeer aan fogayn eedaan oo ka shallaayaan.

Labada is qaba oo carruurta Eebbe siiyay haddii ay ka gaabiyaan hagaajinta iyo hab-baridda suuban oo diinta iyo anshaxa ku dheehan ee ay korinta jirka uun ku ekaadaan waxaa ka dhalanaya dhibaato aan la mahdin iyo waxyeello aduun iyo mid aakhiro oo ay hooyada iyo Aabaha qudhoodu dhibbanayaasha koobaad u noqan doonaan.
In garaad toosinta iyo geda-baridda wanaagsan ee ubadka xoogga la saari lahaa gasiinkooda oo keliya laysku howlo waxaa laga dhaxlaa caasinimo, sagagarnimo, macangagnimo, madax-adayg, tuugnimo, iyo aanfooyin kaloo badan.

Dhammaan dhaqamadaa xun xun ee halistaa waxaa mirohooda gurta waalidkii carruurtiisa si feecan u ababin waaya, maxaa yeelay dhibkastoo ay geystaan ayagaa la weydiinayaa haddii ay noolyihiin, haddii ay dhinteena xisaabta Alle hortiisa ku sugaysa ka sukow habaarka dhashooda lagu halgaadayo qeyb bay ku leeyihiin.Haddaba hooyo iyo Aabe waxaa idin la gudboon inaydnaan ilmihiina dayicin oo aad maskaxdooda iyo muruqooda si isku midda ah u korisaan, diinta iyo anshaxa suubanna ku ababisaan si ay u noqdaan kuwo adduun iyo aakhiroba wax idin tara, lafahooda wax u qabsada oo aayatiin wacan hela.