Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.
Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.




From the comments