U bood dhigaalka

Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul Go’ Ka Dhacay Itoobiya oo Gaartay 257 Ruux iyo Cabsida Jirta

Dhimashada ka dhalatay dhul go’a dalka Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 257, balse waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay gaari doonto 500 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Hay’adda ayaa tirooyinkan soo saartay Khamiistii ka dib markii uu dhul go’ay ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Gofa ee koonfurta Itoobiya, kaas oo uu uga horreeyo roobab mahiigaan ah oo Isniintii ka da’ay, kii labaadna uu qabsaday dadkii isu soo baxay si ay dadka u badbaadiyaan.

Tirada dhimashada ee dib loo xaqiijiyay ayaa kor u kacday 28 marka loo eego tirooyinka uu bixiyay Komishanka Maareynta Khatarta Masiibooyinka Qaranka ee Itoobiya oo Talaadadii shaaciyay xog qayaas oo dadka dhintay ku saabsan.

Boqolaal qof ayaa ku sugan goobta ay masiibada ka dhacday ee deegaanka Kencho Shacha, iyagoo raadinaya dad ka badbaaday dhul go’ii ugu xumaa ee laga diiwaan geliyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika,in ka badan 15,000 oo qof oo ayaana dhibaatadu saameysey, kuwaas oo u baahan in meelo kale loo daadgureeyo sida ay sheegtay hay’adda OCHA.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC ayaa sheegtay in dad kale oo gurmad goob u tagey ay ayaguna waxyeello ka soo gaartay haadaamihii ama buuraamihii dhoobada ahaa ee dhul go’ii hore uu sababay.

Dhul go’an ayaa kii labaad oo qaaradda Afrika ka dhaca seddax bilood ah gudahood, labada bilood ka hor ayaanay ahayd markii ku dhowaad 700 qof oo qof ay ku geeriyooday dhul go’ sidan oo kale uga dhacay dalka Papua New Guinea.